Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Joao Cancelo ayaa kooxda uu amaahda kula joogo ee Bayrn Munich kula guulaystay horyaalka Bundesliga.
Bayern Munich ayaa farqiga goolasha ku qaaday horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan kadib markii ay labada kooxood isku dhibco noqdeen tartanka.
Xiddiga Joao Cancelo ayaa qayb ka ahaa kooxda Bayern Munich qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka kadib markii uu qaab amaah ah ugaga soo biiray kooxda Man City suuqii january.
Joao Cancelo Ayaa sidoo kale qaybtii hore ee xilli ciyaareedka u soo ciyaaray kooxda Man City ka hor intii uuna go’aansan in uuna isaga tagin kooxda suuqii January.
Man City ayaa dhinaceeda ku guulaystay horyaalka premier League iyaga oo ku garaacay kooxda Arsenal kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.
Sidaas darteed Joao Cancelo ayaa ku guulaystay labada horyaal ee Bundesliga iyo Premier League taas oo la macno ah in uu heli doono laba biladood oo kala ah labada horyaal.
Related