Joao Felix ayaa aqbali doona inuu amaah uga tago Atletico Madrid bisha January kuna biiro midkood kooxaha Man United ama Arsenal kuwaas oo ku tartamaya saxiixa xiddiga.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku dhibaatoday in uu isku muujiyo kooxda Diego Simeone kadib markii uu xiddiga 23 jirka ah ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Atletico Madrid ayaa diyaar u ah in ay qaab amaah ah ku fasaxdo xiddiga marka la gaadho suuqa kala iibsiga Bisha January ee soo socota.

Kooxaha Arsenal iyo Man United ayaa suuqa ugu jira weeraryahan cusub qaybta dambe ee xilli ciyaareedka waxana ay xiiso u qabaan saxiixa xiddiga.

Atletico Madrid ayaa dalban doonta lacag dhan 8 milyan oo euro oo amaah ah marka uu furmo suuqa kala iibsiga January bisha dambe.

Sida laga soo xigtay Wargayska AS, Xiddiga Felix ayaa diyaar u ah in uu midkood ku biiro kooxaha Arsenal ama Man United suuqa kala iibsiga January.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here