Wakiilka qadka dhexe kooxda Chelsea ee Jorginho ayaa ka hadlay wararka shakiga gilinaya mustaqbalka laacibkaas ee kooxdiisa Chelsea

Si weyn ayaa 28 sano jirkaas reer Italy loola xariirinayaa in uu baxayo  , waxa ayna wararka tilmaameen in kooxaha Arsenal iyo PSG ay si weyn u doonayaan saxixiisa

Haatan wakiilkiisa ayaa ka yiri wargeyska Mtero” weli hishiskiisa sedex sano ayaa ka harsan waxaana sii dheer qodob kale oo u ogalaanaya ain sanad dheeraad ah uu ka dari karo”.

” Waan maqalnaa wararka leh Arsenal iyo PSG ayaa doonaya Jorginho balse illaa iyo haatan ma jirtro koox ila soo xariirtay” ayuu sii raaciyay wakiilka.

” Suuqa kala iibsiga maalmo kooban ayaa ka harsan mana jirto koox dalab rasmi ah ka keentay Jorginho, sida darteed marka la eego sida waqiga uu cariiri u yahay kama fikiri karno arimaha suuqa”.

Laacib.net


Source: Laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here