Jose Mourinho Oo Ay Ku Dhacday: God Sireed Ha Qodin Hadaad Qodana Ha Dheereyn Ku Khici Doontidaa Lama Ogee

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in Jose Mourinho uu ka cawday xaalada qolka labiska martida ee Manchester United markii uu ku soo laabtay kooxda isagoo tababare u ah Tottenham, inkastoo uu tababaraha reer Portugal ahaa ninkii isbedelka ku sameeyay qolka labiska ee martida.

Mourinho ayaa dib ugu laabtay Old Trafford markii ugu horeysay tan iyo markii la ceyriyay isagoo wata Tottenham bishii December.

Labo gool uu dhaliyay Marcus Rashford ayaa Manchester United ku hogaamisay guul 2-1 ah.

Laakiin Mourinho ayaa jawi xun ku jiray ka hor ciyaarta isagoo ka cabanayay xaalada qolka labiska martida ee Old Trafford.

Inkastoo uu isagu ahaa shaqsigii ka danbeeyay isbedelada qolka labiska ee martida markii uu tababar ka ahaa Old Trafford, hadana cabashadiisa waxa uu u gudbiyay ninkii isaga bedelay ee Solskjaer.

Solskjaer ayaa u sheegay majalada United We Stand: “Waan wada sheekeysanay ka hor ciyaarta.

“Markaas ka hor waligeey lama aanan kulmin marka laga reebo waqti yar aan is aragnay markii uu joogay Chelsea ana aan joogay Cardiff. Wada sheekeysi fiican ayaan yeelanay.

“Waxa uu ka cabanayay xaalada qolka labiska ee martida, waa qolka labiska ee uu isagu bedelay.

“Wada sheekeysi fiican ayaa ina dhexmaray, waa ay fiicneyd inuu dib ugu soo laabto garoonka.”

Mourinho ayaa markii uu joogay Manchester United waxa uu ku amray kooxda inay isbedelo ku sameeyaan qolka martida si aysan faa’ido badan u helin kooxaha imaanaya Old Trafford.

Laakiin ma uusan ogeyn inuu maalin uun marti ku noqon doono garoonka oo uu wajihi doono xaalada xun ee uu ka abuuray qolka labiska martida ee Old Trafford.

Dhanka kale xiddiga ku fashilmay United Alexis Sanchez ayaa sheegay in jawiga xun ee uu Mourinho ka abuuray Old Trafford inay sabab u aheyd qaba ciyaareedkiisa xun.

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Source: laacibfm

WARARKII