Jose Mourinho Oo Durba Hadal Maskaxeed Ku Maslaxay Jamaahiirta Man United Ka Hor Kulanka Habeen Dambe – Muxuu Yiri?

Advertisements

Tababare Jose Mourinho ayaa durba adeegsaday hadal maskaxeed maslaxo ula muuqda oo uu ku doonayo taageerada jamaahiirta Red Devils ka hor kulanka uu habeen dambe imaanayo Old Trafford, balse wuxuu u sheegay inuu qabsanayo shaqada uu kooxdooda u hayo Ole Gunnar Solskjaer.

Macalinka reer Portugal ayaa imaanaya Old Trafford isagoo hogaaminaya Spurs, sidoo kalana rikoor 100% ah ka heysta saddexdii kulan uu kooxda maamulay dhamaan tartamada oo dhan tan iyo markii uu badalay Mauricio Pochettino, sanad kadib ayuuna imaanayaa magaalada Manchester maadaama xiligaas laga ceyriyay shaqada kooxda Red Devils.

Mourinho wuxuu rajeynayaa in si fiican looga soo dhaweeyo garoonka Old Trafford, balse wuxuu u sheegay iney iska iloobaan marka ciyaarta la baasto maadaama uu guul la doonayo kooxdiisa.

“Cadaw kuma ah, balse waxaan ahay tababare doonaya inuu ka guuleysto Man United, taasina waa habka aan is leeyahay wey kuu arki doonaan” ayuu yiri Jose Mourinho oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka habeen dambe.

“Ole Gunnar Solskjaer waa shaqsi isku dayaya inuu jamaahiirta Man United guusha u keeno, sidaas darteed waa iney isaga taageeraan, mana ahan iney aniga i taageeraan”

“Waxey ila tahay iney falcelin fiican sameyn doonaan, balse inta kulanka socdo waxey taageeri doonaan Ole Gunnar, waxey jecel yahiin kooxdooda, sidaas darteed waa iney jeclaadaan Ole”

Advertisements

“Inta kulanka lagu jiro waxaan rajeynaa iney iska key iloobaan, isla markaana ay taageeraan kooxdooda si ay u helaan natiijada ay doonayaan”

Mourinho waxaa la ceyriyay kadib markii uu 17-kulan ku shaqeeyay 26-dhibcood, kuna haya kooxda kaalinta 6-aad, balse Ole Gunnar hadda 14-kulan ayuu ku helay 18-dhibcood, wuxuuna fadhiyaa kaalinta 9-aad.

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII