Josko Gvardiol ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay in uu sii joogo kooxda RB Leipzig, inkastoo uu qiray inuu u furan yahay ku biirista Chelsea mustaqbalka.

Tan iyo markii uu u saxiixay kooxda Bundesliga ka dhisan 2021, 20-sano jirkaan ayaa kor u qaaday sumcadiisa isaga oo kooxdiisa u ciyaaray 65 kulan tartamada oo dhan.

Inkastoo uu qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah markii uu yimid Leipzig, Kooxdiisa ayaa heshiis cusub ka saxiixatay bishii September isaga oo qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2027 ah.

Taasi waxay jawaab u ahayd wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan xiisaha Chelsea, kuwaas oo xagaagii isku dayay in ay xiddiga la saxiixdaan.

Kadib markii uu xulkiisa Croatia ka caawiyay in ay u gudbaan wareega 16-ka ee koobka adduunka khamiistii kadib markii ay bar-baro gool la’aan ah la galeen Belgium, Gvardiol ayaa la waydiiyay xaaladiisa haatan ee heerka kooxeed.

Isagoo la hadlaya The Athletic, da’yarka ayaa yiri: “Aniga iyo Chelsea? Ma garanayo, waad ogtahay wixii dhacay bilihii la soo dhaafay, run ahaantii, wax fikrad ah ma hayo”.

“Wakiilkeyga ayaa tan daryeelaya waana arki doonaa. Hadda, waan ku faraxsanahay Leipzig. Ma garanayo, waan arki doonaa – weligaa ma ogaan kartid. Waad ogtahay sheekooyinka iyo waxyaalahan, laakiin dhammaan waxaan dhihi karaa waan ku faraxsanahay, hadda waxaan doonayaa inaan halkaas sii joogo oo aan si fiican ugu ciyaaro”

“Chelea waa koox weyn, ma garan karno waxa dhici doona laakiin waxa dhici karta in aan maalin ku biiri doono, runtii wax fiican ayaan ka maqlay maadama uu Mateo Kovacic ka ciyaaro”/



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here