Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si maldahan u sheegay in kooxdu ay suuqa gali doonto bisha January.

Iyadoo Luis Diaz iyo Diogo Jota ay dhaawacyo jilibka ah iyo kubka uga maqan yihiin, Liverpool ayaan haysan xiddigo badan oo weerarka ah.

Diaz ayaa la filayaa inuu maqnaado ilaa bisha March ka dib markii uu dib u dhac ku yimid ka soo kabashadiisa dhaawac jilibka ah intii lagu jiray xerada tababarka cimilada diiran halka Jota uu maqnaanayo ilaa February.

Kahor kulanka ay Liverpool martida u tahay Aston Villa maalinta Boxing Day, Klopp ayaa tilmaamay in kooxdu ay isku dayi karto inay xoojiso kooxdeeda bisha January.

Waxa uu u sheegay suxufiyiinta: “Dhammaan calamadaha aan ka helay xerada tababarka Dubai waxay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan, waxaan ku kalsoonahay habkayaga iyo waxyaabaha aan samayno, gabi ahaanba way ka duwan tahay bilowgii xilli ciyaareedka”.

“Dhammaan kulamadii aan arkay waxaan ku soconaa jihada saxda ah, waxa aan ahay qof mar walba wax fiican fisha waxana aan ka bilaabi doonaa halkii aan ku joojinay xilli ciyaareedka ka hor koobkii adduunka”.

“Xilli ciyaareedkii hore waxaan suuqa January la soo saxiixanay Diaz aad ayuuna noo caawiyay sidaas darteed maxaa diiday in aan mar kale sidaas samayno”ayuu sii raaciyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here