Jurgen Klopp ayaa sheegay in Liverpool ay wali ku dhowdahay inay la dagaalanto kooxaha kale si ay xilli ciyaareedka Premier League ugu dhameystaan ​​afarta boos ee ugu sareeya uguna soo baxaan champions League xilli ciyaareedka dambe.

Liverpool ayaa dib u bilaabi doonta ololaheeda Premier League Isniinta iyaga oo la ciyaari doona kooxda Aston Villa wareegga Boxing Day-ga.

Liverpool ayaa ku jirta kaalinta lixaad, iyadoo todobo dhibcood ka hooseysa kooxda kaalinta 4-aad ku jirta kadib markii ay si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Iyadoo ay taasi jirto, Klopp ayaa rajo ka qaba in ay kooxdiisu u soo bixi doonto champions League isla markaas ku dhamaysan doonto 4-ta boos ee ugu sareeya premier League.

“Runtii waxaan rajeyneynaa waxa soo socda hadda, waan ognahay in tartanka uu yahay mid xoogan, mana jiraan wax dammaanad qaad ah” ayuu Klopp yidhi.

“Waan ognahay in kooxaha kale oo dhan sidaas damreeymayaan isla markaas Arsenal mar kale si fiican u ciyaari doonto”.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Sida aan u aragnay Manchester City waxa ay leeyihiin Hami weyn waana sida ay arintu tahay”.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi “ Way cadahay in aan ogolaanay in aanu farqi weyn ka hoosayno kooxaha kale waxana nala gudboon in aan samayno waxa aan dib ugu soo laaban karno”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here