Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uuna la soo saxiixan doonin xiddig daafac dhexe ah xagaagan.

Klopp ayaa sheegay in uu xal ka dhex heli doono kooxdiisa uu ku xaliyo daafaciisa kadib markii uu Dejan Lovren isaga tagay kooxda.

“Xaaldu way iska cadahay, waxa aan haysanaa daafacyo badan oo dhexe kuwaas oo dhamaantood ah xiddigo da’yar ah taas oo ah wax fiican”.

“Boosas badan horumar laga samayn doonaa Sepp ayaa si fiican u ciyaary, Ki-Jana ayaa ka ciyaari kara daafaca dhexe Billy sidoo kale waxa uu ku jiraa dookhyada aan ka fiirsanayno iyo gaar ahaan Nat Phillips Kaas oo kalsooni kala soo laabtay kooxda Stuttgart”.

“Laakiin Fabinho ayaa sidoo kale ka ciyaari kara daafaca dhexe sidii uu uga ciyaaray Bayern Munich champions League sidaas darteed waxa aan haysanaa xal”.

“Jordan Henderson ayaa sidoo kale ka ciyaaray khadka dhexe sidaas darteed looma baahna in aan la soo saxiixano daafac dhexe”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here