Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgeen Klopp ayaa xaqiijiyay mudada uu Goolhaye Alisson garoomada ka maqnaan doono kadib dhaawacii uu seegay kulankii Aston Villa ee Premier League.

Alisson ayaa dhaawac garab ah ku seegay kulankii ay Liverpool guuldarada ceebta ah ka soo gaadhay Aston Villa kulanka dhacay Villa Park kana tirsanaa premier League.

Kadib markii ay dhamaatay ciyaartii Aston Villa ee ay guuldaradu soo gaadhay Liverpool ayaa Klopp wax laga waydiiyay in uu Alisson diyaar u noqon doono kulanka Everton.

“Alisson wax fursad uma haysto in uu ciyaaro kulanka Everton kadib fasaxa xulalka”ayuu Klopp yidhi markii wax laga waydiiyay fursadaha Klopp ee kulanka Everton.

“4 todobaad ayaa suurtagal ah in uu garoomada ka maqnaado laakiin waxa ay u badantahay ilaa 6 todobaad in uu garoomada ka maqnaado”.

Sii Akhriso: Ciidamada AMISOM Oo Ka Baxay Qaar Ka Mid Ah Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeellada Hoose & Cabsi Laga Dareemayo Deegaanadaas.

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here