Weeraryahahanka Barcelona ee Messi ayaa farriin u diray taageerayaasha kooxdaas ka dib markii uu ka laabtay go`aankiisa ahaa in uu ka tagayo qalcadda Camp Nou

“Waqti adag ayay aheyd , wax waliba waxa aan u doonayay waxa aheyd in wax la saxo oo go`aanka waqti hore ayuu soo jiitamayay balse nasiib wanaag wax badan ayaan ku bartay waana ka xumahay in la igu eedeeyo in aan hanti ka doorbidiyay Barca” ayuu ku yiri muuqaal uu soo duubay Messi

Farriinta taageerayaasha Barcelona waxa uu Messi ku yiri” waxaan dadaal ku bixinayaa in aan u dagaalamo dhamaan bartilmaameedyada kooxda ee xilli ciyaareedka cusub”.

” Waxaan rajeynayaa in wax waliba caadi ku soo noqonayaan , waa run xaalad adag ayaan soo marnay balse haatan waan ka gudbeynaa” ayuu sii raaciyay Messi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here