Kaamirooyinka Movistar+ Oo Kashifay Hadaladii Uu Zidane Ku Dhiirigaliyay Xiiddigahiisa Ka Hor Wakhtigii Dheeriga Ahaa Ee Supercopa de Espana.

Advertisements

Kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ayaa isku mari waayay 90-kii daqiiqo kulankii Supercopa de Espana ee ka dhacay Saudi Arabia, balse Los Blancos ayaa rigooreyaal ku qaaday koobka.

Zinedine Zidane wuxuu hantay koobkiisii ugu horreeyay oo maxali ah muddo laba sano ah, sidoo kalana waa guushiisii 9-aad uu ka gaaro 9-jeer uu gaaray finalada tartamada oo dhan.

Kaamirooyinka Movistar+ ayaa banaanka soo dhigay erayadii uu macalinka reer France ku dhiirigaliyay ciyaartoydiisa ka hor inta aan la bilaabin 30-ka daqiiqo ee dheeriga ah.

“Waa inaad is dajisaan, wali wakhti ayaa haray” ayuu Zidane yiri sida laga arkay kaamirooyinka Movistar+.

Advertisements

“Ciyaarta ayaan gali doonaa, waan ka fiicanahay iyaga, sidoo kalana dhan walba kaga xooganahay” ayuu yiri mar kale.

Kulanka waxaa lagu kala baxay rigooreyaal, Madrid ayaana guusha heshay iyadoo Fede Valverde uu noqday xiddiga garoonka halka Zidane uu qaatay koobkiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu kusoo laabtay shaqada kooxda.

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII