Kooxaha Inter Milan iyo Lazio ayaa bar-baro ku kala baxay kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa horyaalka Serie A-da kana dhacay garoonka Stadio Olimpico.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo dhanka weerarka iyo difaacaba ah xilli ay ka go’nayd in ay kulanka kala baxaan 3-da dhibcood.

Kulanka ayaa xitaa ahaa mid dagaal ah iyada oo 7 kaadh digniin ah iyo waliba 2 kaadh casaan ah laga bixiyay kulanka.

Labada kooxooda ayaa sameeyay fursado cajiib ah oo ay goolal ka dhalin kareen iyaga oo aan waxba iskula hadhin dhanka qaab ciyaareedka.

Daqiiqadii 30-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lautaro Martinez isaga oo hogaaka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood sameeyeen dadaal dheeraad ah oo uu mid walba 3-da dhibcood ku doonaysay.

Qaybtii dambe ayay Inter Milan iyo Lazio-ba sii wadeen raadinta goolasha iyada oo ay koox walba doonaysay in ay ciyaarta wax ka badasho.

Daqiiqadii 55-aad ayay Lazio dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Sergej Milinkovic-Savic kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kooxda Lazio ayaa daqiiqadii 70-aad kaadhka cas looga taagay weeraryahanka Ciro Immobile kaas oo ciyaarta si toos ah uga baxay.

Inter Milan ayaa doonaysay in ay ka faa’iidaysato arintaa iyaga oo weeraro waali ah ku qaaday kooxda Lazio xilli ay kooxda 10-ka xiddig noqotay sii waday difaacashada iyo waliba weerarka rogaal celis ah.

Daqiiqadii 87-aad ayaa markeeda Inter Milan kaadka cas looga saaray xiddiga Stefano Sensi kaas oo ciyaarta isku dheeli tiray kana dhigay 10 Vs 10.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku kala bexeen kulan laba casaan la bixiyay kaadhahka digniinta ahna Hadh beeleen.

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here