Inkasta oo tayada kooxdu aad u sarayso, Saxiixa chelsea ee xiddiga Mykhailo Mudryk ayaa madax xanuun ku ah tababaraha kooxda chelsea ee Graham Potter.

Tababare Potter ayaa ku qasbanaan doona in uu xiddigaha qaar ka saaro liiska champions League si ay u diwaan galiyaan xiddigaha Benoît Badiashile, Mykhailo Mudryk iyo Joao Fexlix

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa kulanka ay la ciyaari doonto Borussia Dortmund bisha soo socota tartanka champions league.

Chelsea ma awoodi doonto inay diiwaan geliso wax ka badan 3 ka mid ah saxiixyada ay samaysay kooxdu suuqa January taas oo la macno ah in ay kooxdu liiska ka saari doonto xiddigo ka mid ah Liiska kooxda.

Chelsea ayaa loo ogolyahay 24 xiddig sidaas darteed waxa looga baahan yahay in ay hal boos ku buuxiso xiddigaha cusub ee kooxda.

Laakiin chelsea ayaa smaaysay 4 saxiix sidaas darteed xeera UEFA ayaa sheegaya in ay chelsea Kaliya u baahantahay in ay hal xiddig oo cusub ku buuxiso booska ugu dambeeya.

Potter ayaa ku qasbanaan doona inuu liiska ka saaro qaar ka mid ah ciyaartoyda sida Wesley Fofana, Christian Pulisic iyo Denis Zakaria.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here