Wargayska La Repubblica ayaa sheegay in kooxda Inter u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Kalidou Koulibaly hadii ay waydo xiddiga Milan Skriniar.

Inter Milan ayay wali ku adagtahay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer Slovakia ee Milan Skriniar kaas oo lala xidhiidhinayo kooxda PSG.

Kooxda Inter ayaa isku diyaarinaysa suurtagalnimada ay ku waayi karto daafaca Milan Skriniar waxana ay badalkiisa u calaamadsatay xiddiga chelsea ee Kalidou Koulibaly.

Kalidou Koulibaly ayaa chelsea kaga soo biiray Napoli xagaagii hore laakiin waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigto Blues.

Graham Potter ayaa u muuqda mid aan ku kalsoonayn xiddiga reer Senegal waxana uu waayay booskiisa chelsea kulaamdii uu hogaaminayay kooxda chelsea kadib bixitaankii Thomas Tuchel.

Xiddiga Kalidou Koulibaly Ayaa si fiican u garanaya Horyaalka Talyaaniga maadama uu muddo dheer joogay kooxda Napoli lana gaadhay guulo badan.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay iska iibin karto xiddiga hadii ay hesho dalab fiican isla markaas Potter go’aansado in uuna u baahnayn xiddiga.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here