Xiddiga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka France ee Karim Benzema ayaa ku soo laaban kara koobka adduunka kulamada wareega xiga ee tartanka sida ay sheegayaan wararku.

Wararka ka imanaya France iyo Spain ayaa sheegaya in uu xiddiga Karim Benzema ka soo kabsaday dhaawacii uu qabay kana reebay koobka adddunka ka socda dalka Qatar.

Laakiin xiddiga reer France ayaa si buuxda uga soo laabtay dhaawacii sababay in uu ka hadho kulamada xulkiisa ee koobka adduunka.

Karim Benzema ayaa wali ka mid ah xulka France maadama uuna tababaruhu soo qaadan badalkiisa sidaas darteed waxa uu ka soo muuqan karaa koobka hadii uu soo kabsado.

Xulka France ayaa xaqiiqsaday booskiisa wareega 16-ka waxana ay soo dhawayn karaan xiddiga Karim Benzema hadii ay go’aansadaan in ay xiddiga dib u soo celiyaan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here