Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ooxda Nice ee Khephren Thuram ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda uu joogo xilli uu xiiso ka helayo kooxda Liverpool.
Liverpool ayaa wadahadalo la furtay xiddiga toodbaadkan iyaga oo donaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe ee kooxda xilli ciyaareedka dambe.
Isagoo ka hadlayay xafladdii abaalmarinta UNFP ee toddobaadkan, Thuram wuxuu ka faallooday wararka xanta ah ee ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda Ligue 1 ee Nice.
Wuxuu yiri: “Waxaan rabaa inaan horumar sameeyo, garoonka soo galo, ku raaxaysto, hadda, waxaan joogaa Nice, si fiican ayay u socotaa, runtii waan jeclahay kooxda, sidaas darteed waxan doonaya in aan sii joogo Nice, aad ayaan ugu faraxsaahay”.
“Waxaa jira buuq, waan maqlaa, laakiin waan ku faraxsanahay Nice, waxaan rajeynayaa inaan kooxdaan sii joogo”.
Xiddiga 22 jirka ah oo uu dhalay Halyeey Lilian Thuram ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed cajiib ah waxana uu kooxdiisa u ciyaaray kulamo badan isaga oo ku hogaamiyay guulo badan

Related



Source link