Jurgen Klopp ayaa amaanay Darwin Nunez ka dib markii Liverpool ay garaacday Leicester City kulankoodii ugu dambeeyay ee Premier League 2022.

Reds ayaa laga dhaliyay gool wakhti hore ah kadib markii uu xiddiga Kiernan Dewsbury-Hall gool ka dhaliyay daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta.

Laakiin Liverpool ayaa dhinaca kale u rogtay natiijada ka hor dhamaadka qaybta hore ee ciyaarta.

Xiddigaha Trent Alexander-Arnold iyo Darwin Nunez sabab u ahaa in uu daafaca Leicester City ee Faes iska dhaliyo laba gool.

Nunez ayaa dhinaciisa khasaariyay fursado si la mid ah xiddiga Mohamed salah ayaa khasaariyay fursado ay gool ka dhalin kareen.

Inkasta oo uu fursado badan khasaariyay ilaa haatan xilli ciyaareedka Klopp ayaa Amaanay Nunez kadib ciyaartii leicester City.

“Waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah caawa”ayuu Klopp yidhi ciyaarta.

“Waan ogahay in dadku ay rabaan oo kaliya inay eegaan waxa uu khasaariyay laakiin goolka 2-aad isaga ayaa sabab u ahaa, waxa uu sameeyay horumar marka loo bar-bar dhigo xaaladiisii kulankii hore waxana ay ahayd arin cajiib ah”.

“Sidoo kale waxa uu fursado u abuuray Salah, waxana uu kaligiis dhaafay 3 daafac arintaasna waa mid khaas ah waanan ku faraxanahay”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here