Koox 17 Milyan Ku Iibsaneysa Alexis Sanchez Ka Dib Markii Uu Ku Fashilmay Inter Milan

Advertisements

Alexis Sanchez ayaa ku qasban inuu koox cusub raadsado dhamaadka xilli ciyaareedka madaama uu ku fashilmay Inter Milan islamarkaana Man United aysan dooneynin inay sii heysato.

Warbaahinta dalka Chile ayaa sheegeysa in kooxda reer Chile ee Colo Colo inay xiiseyneyso xiddigihii hore ee Arsenal.

Colo Colo waa kooxda ugu weyn dalka Chile kuwaasoo horyaalka ku guuleystay 32 jeer, waxayna Sanchez ku heysteen amaah xilli ciyaareedkii 2006-07 markii uu u wareegay Udinese.

Sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ee Dale Albo, xiisaha kooxda ka dhisan caasimada Chile waxaa sii kiciyay markii ay soo baxeen warar sheegaya in Man United ay diyaar u tahay inay iska iibiyo xiddigaan ku fashilmay Old Trafford.

Sanchez ayaa Old Trafford kaga soo biiray Arsenal bishii Janaayo 2018 laakiin waa uu ku guuldareystay inuu boos joogta ah ka helo.

Advertisements

Waxa uu kooxda kaga tagay amaah ka dib shan gool uu dhaliyay 45 kulan uu saftay.

Inter Milan ayaa iska diiday inay si joogta ah kula wareegto Alexis Sanchez taasoo la micno ah inuu ku laaban doono Man United marka uu dhameysto heshiiskiisa amaahda.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII