Agaasimaha kooxda Eintracht Frankfurt ayaa xaqiijiyay in kooxdooda loo soo bandhigay saxiixa xiddigii hore ee kooxda Man United ee Cristiano Ronalod.

Cristiano Ronalod ayaa raadinaya koox cusub kadib markii uu ka tagay kooxda Man United bishii hore ee la soo dhaafay.

Man United ayaa kansashay heshiiska Cristiano Ronalod kadib markii uu xiddigu bixiyay waraysi muran badan dhaliyay oo uu ku weeraray xiddigaha, tababaraha iyo maamulka Kooxda Man United.

Xiddiga Cristiano Ronalod ayaa ilaa haatan bilaa koox ah waxana uu raadinayaa koox uu ku biiro qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Maamulaha Eintracht Frankfurt: “Haa, Cristiano Ronaldo waa nala soo bandhigay, runtii, waxaan dareemayaa dareen ah in loo soo bandhigay koox kasta oo ka ciyaaraysa chamoions League”.

Cristiano Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo kala duwan waxana haatan si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Al Nassr ee ka ciyaarta Suadi Arabia.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here