Kooxda Bayern Munich ayaa noqotay kooxdii ugu dambaysay ee ku guulaystay tartanka champions League kadib markii ay garaaceen kooxda PSG.

Bayern Munich ayaa ka mid ah kooxaha ugu guulaysiga badan tartanka kadib markii ay xalay kor u qaaday koobka markii 6-aad ee taariikhdeeda.

Tartanka champions League ayaa ah tartan xiiso leh ahna midka ugu qaalisan ee ay kooxaha reer yurub ciyaaraan iyada oo muddo dheer la soo ciyaarayay.

Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxda ugu guulaysiga badan koobka iyaga oo ku guulaystay 13 jeer halka ay ku xigto kooxda Ac Milan kuwaas oo ku guulaystay 7 jeer.

Kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool ayaa ku wada jira kaalinta 3-aad iyaga oo min 6 jeer ku guulaystay koobka champions League.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Kooxaha ugu guulaysiga badan koobka champions League:

  1. Real Madrid: 13 jeer
  2. Ac Milan: 7
  3. Bayern Munich: 6
  4. Liverpool: 6
  5. Barcelona: 5
  6. Ajax: 4
  7. Inter Milan: 3
  8. Man United: 3
  9. Juventus: 2
  10. Benfica: 2
  11. Nottingham Forest: 2
  12. Porto: 2

Source: Laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here