Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay si aad ah u doonayso in ay Man City ku qanciso in ay ka hesho lacag dhan 250 milyan oo Mag-dhaw ah oo ka mid ah heshiiska ay Man City ku doonayso Lionel Messi.

Xilli wakiilada Man City qiimaynayaan heshiiska Lionel Messi iyaga oo ku rajo weyn in ay kooxdu si xor ah ku hesho xiddiga hadana Maamulka Barcelona ayaa ku rajo weyn in ay Man City ka heli doonaan lacag iyo waliba xiddigo halkii ay ku iibin lahayn 630 milyan oo euro.

Wargayska Mirror ayaa rumaysan in ay kooxda Barcelona haatanba ogtahay in uu Lionel Messi ku biiri doono kooxda Man City xagaagan.

Iyada oo kaliya heshiiska ka dhiamntahay in uu Lionel Messi kooxda uga tago si is afagarad ah ama uu kaga tago xeerka muranka badan ee FIFA ee u sahlaya in uu si xor ah uga tago kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here