Kooxda Arsenal ayaa la kulantay war xun kadib markii xiddiga Mohamed Elneny laga helay xanuunka Korona isaga oo ku sugan waajibaadka xulka qarankiisa.

Mohamed Elneny ayaa muhiim ka noqday shaxda Mikel Arteta tan ilaa markii uu ku soo laabtay kooxda waxana uu ciyaaray kulamada ugu muhiimsan kooxda xilli ciyaareedkan.

Laakiin Mikel Arteta ayaa waayi doona adeega xiddiga Mohamed Elneny kulamada soo socda kadib fasaxa xulalak kadib markii laga helay xanuunka Korona.

Xiddiga Mohamed Elneny ayaa galay karantiil waxana uu ku jiri doonaa muddo 10 maalin ah ka hor inta uuna ku soo laaban tababarka.

Sidaas darteed Mohamed Elneny ayaa kooxda Arsenal ka maqnaan doona 3 ilaa 4 kulan ka hor inta uuna ku soo laaban shaxda Gunners.

Mohamed Elneny ayaa ka maqnaan doona Arsenal kulamada Leeds United, Molde iyo Wolves isaga oo wakhtiga tartan la gali doona si uu taam ugu noqdo kulanka Rapid Wien

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here