Kulanka Ay Caawa Isaga Hor Imaanayaan Ibrahimovic & CR7 Oo Rikoor Taariikhi Ah U Dhigi Kara Tartanka Coppa Italia.

Advertisements

Sida la sheegay waxaa la iibsaday 70,000 kun oo tikidh kulanka caawa dhexmaraya kooxaha Ac Milan iyo Juventus, iyadoo durba lasii shaaciyay iney rikoor weyn u noqon doonto taariikhda Coppa Italia.

Kulanka lugta hore semi final-ka Coppa Italia ayaa caawa ka dhici doona San Siro, waana marka ay iska hor imaanayaan Zlatan Ibrahimovic iyo Cristiano Ronaldo.

Warbixintii ugu dambeysay ee la helay iibka tikidhada kulanka waxaa la sheegay in kaliya dhawr tikidh oo loogu talagalay taageerayaasha Juventus ay iska diideen.

Taageerayaasha caawa soo xaadiri doona San Siro waxaa lagu qiyaasay 70,000 kun oo taageero, waana rikoor taariikhda u galaya semi final-ka Copa Italia.

Advertisements

Inter Milan ayaa xalay guuldaro ku qaadatay isla garoonka caawa lagu ciyaari doono ee San Siro, kadib markii ay 1-0 guuldaro ah ka qaateen Napoli.

Kulankii xalay waxaa kasoo qeyb galay 59,601 taageere.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII