Kulankii Southampton Ku Garaacday Man City Oo Noqday Ciyaartii Ugu Daawashada Badnayd Abid Ee Premier League Ah

Ciyaartii ay Southampton Axaddii kaga naxsatay Manchester City ee ay ku garaacday 1-0 ayaa noqotay ciyaartii ugu daawada badnayd abid ee horyaalka Premier Leauge.

Dad tiradoodu gaadhayso 5.7 milyan oo qof ayaa ka daawaday telefishanka BBC ee tooska u tabinayay kulankan ka dhacay garoonka St Mary’s.

BBC xili ciyaareedkan haysata xuquuqda baahinta ee afar ciyaarood oo horyaalka Premier League ah, waxa kulanka City ay guul-darradu uga timid ahayd ciyaartii saddexaad ee dunidu ka fiirto telefishanka BBC Sports intii lagu soo laabtay ciyaaraha.

CIyaartan oo telefishanka BBC ay falanqeeyeyaal ka ahaayeen khubarada kubadda cagta ee Gary Lineker, Alan Shearar iyo Micah Richards oo fadhiyey istuudiyaha BBC, waxa laga diiwaangeliyey inay daawadeen 5.7 milyan oo qof, waxaanay jabisay rikoodhka ciyaartii Liverpool iyo Everton ee garoonka Merseyside derby ee barbaraha kusoo dhamaatay.

Telefishanka Sky Sports oo kulankaas tebiyey June 21, waxa daawaday 5.5 milyan qof.

Ciyaarta u hadhay ee telefishanka BBC uu baahin doono ayaa ah kulanka ay Burnley ku martigelin doonto Wolves oo dhici doonta July 15, laakiin waxa kale oo BBC ay isku diyaarinaysaa semi-finalka FA Cup ee Manchester United iyo Chelsea oo garoonka Wembley ka dhici doona badhtamaha bishan iyo sidoo kale finalka FA Cup ee August 1.

Kulankan rikoodhka daawashada ah dhigay ayay kasoo baxday natiijo lama filaan ah oo Man City oo toddobaadkii hore soo karisay Liverpool ay qaab waji gabax ah kaga baxeen garoonka.

Che Adams ayaa kubad uu ka toogtay masaafo 40 yard u jirta goolka, waxa uu daba-mariyey Ederson oo goolkiisa kasoo baxsanaa, waxaanay ciyaartaasi kusoo dhamaatay 1-0 ay Saints saddexda dhibcood la hoyatay.

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII