Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xagaagii isku dayday saxiixa xiddiga kooxda Aston Villa ee Jack Grealish sida ay sheegayaan wararku.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in ay Arsneal kooxda Aston Villa wax ka waydiisay saxiixa xiddiga Jack Grealish intii lagu jiray xagaagii.

Laakiin Arsenal ayaa go’aansatay in ay isaga hadho baacsiga xiddiga sabab la xidhiidha in ay diideen bixinta lacagtii 80-ka milyan ee ay Aston Villa dalbanaysay.

Kooxda Aston Villa ayaa ugu dambayn heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Jack Grealish kadib markii uu ka tagi waayay kooxda.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here