Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay daqiiqadihii ugu dambeeyay isku dayday in ay Liverpool ku garaacdo saxiixa xiddiga Cody Gakpo sida ay sheegayaan wararku.

Liverpool ayaa Salaasadii si lama filaan ah ugu dhawaaqday saxixa xiddiga Cody Gakpo kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda PSV.

Kooxda Man United ayaa ahayd koxda sida weyn loola xidhiidhinayay Cody Gakpo laakiin xiddiga ayaa ugu dambyn ku biiray kooxda Livrpool.

Sida laga soo xigtay Eindhovens Dagblad, chelsea ayaa saacadihii ugu dambeeyay isku dayday in ay la soo saxiixato xiddiga saacado yar kadib markii ay Liverpool PSV kala heshiisay qiimaha xiddiga.

Blues ayaa Gakpo u doonaysay in ay ku xoojiso weerarkeeda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka waxana ay xitaa la xidhiidhay wakiilka xiddiga.

Laakiin chelsea ayaa diiday in ay bixiso lacagta 37-ka milyan ee ay PSV doonaysay in ay ku iibiso xiddiga reer Netherlands.

Ugu dambayn xiddiga 23 jirka ah ayaa ku biiray kooxda Liverpool waxana uu noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay Liverpool samayso suuqa January.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here