Maalmihii ugu dambeeyay tan ilaa markii uu Lionel Messi Wadahadalada la qaatay tababaraha cusub ee Ronald Koeman waxa soo if baxday in ay taageerayaasha Barcelona ka wal-walsanaayeen ka tagista kabtankooda.

Tababaraha reer Holland ayaa lagu soo waramayaa in uu Lionel Messi ku yidhi hadal si weyn uga xanaajiyay kabtanka.

Waxana la sheegayaa in uu yahay hadalka sida weyn uga yaabiyay Lionel Messi kuna dhaliyay in uu isgaa yago kooxda Barcelona.

Wargayska Deportes Cuatro ayaa sheegaya in uu Lionel Messi si weyn ula yaabay hadal ka soo yeedhay tababarihii hore ee Xulka qaranka Holland.

“Mudnaantii gaarka ahayd way dhamaatay waa in aad wax walba u qabato kooxda”ayaa lagu soo waramayaa in uu Koeman u sheegay Messi.

“Waxa aan ahay qof aan dabacsanaan lahayn, kaliya waa in aad ka fikirto kooxda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here