Xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee N’Golo Kante ayaa kaliya Chelsea uga tagaya hal koox iyo Hal tababare.

Xiddiga khadka dhexe ee reer France ayaa ku faraxsan London diyaarna uma ahan in uu kooxdiisa ku riixo in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Si kasta ha ahaatee wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in ay jirto hal koox oo badali karta Go’aanka Kante Iinta lagu jiro suuqa xagaagan.

Isla wargayska ayaa ah in ay kooxdaas tahay Real Madrid iyada oo uu Kante diyaar u yahay in uu isaga tago Chelsea hadii uu Zidane iyo Real Madrid dalab ka soo gudbiyaan xagaagan.

Kante ayaa si weyn diyaar ugu ah in uu kooxdiisa chelsea ka codsado in ay iska fasaxdo xagaagan hadii ay Real Madrid dalab ka soo gudbiso saxiixiisa.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu Xiddiga N’Golo Kante oo 29 jir ah kooxda chelsea kula jiro heshiis ilaa xagaaga 2023 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here