Kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday laba koox oo dalab ka soo gudbiyay si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda Arsenal.

Xiddiga reer Gabon ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Arsenal isaga oo ogolaaday in uu qalinka ku duugo heshiis cusub.

Saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano aya sheegaya in uu Pierre-Emerick Aubameyang qalinka ku duugi doono heshiis 3 sano ah oo uu todobaadkii ku qaadan doono lacag kor u dhaafay 250 kun oo Gini.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in uu Pierre-Emerick Aubameyang iska diiday kooxaha Inter Milan & Man United si uu qalinka ugu duugo heshiis cusub kooxda Arsenal.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kooxda Arsenal kula guulaystay koobkii ugu horeeyay markii uu Gunners ku hogaamiyay koobka Community Shield-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here