Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham isla markaas kooxaha waaweyn haatan u waalanayaan ayaa iska diiday ku biirista Man united ka hor inta uuna ku biirin Dortmund.

Agaasimihii hore ee kooxda Birmingham ee Dong Ren ayaa sheegay in ay Man United wax walba u samaysay sidii ay ula saxiixan lahayd xiddiga khadka dhexe ee Bellingham sanadkii 2020.

Red Devils ayaa Doonaysay saxiixa Bellingham oo 17 sano jir ahaa wakhtigaas xilli ay sidoo kale doonayeen kooxaha  Chelsea, Leicester, Wolves, Bayern Munich.

Laakiin xiddiga reer England ayaa iska diiday United waxana uu ka doortay Dortmund halkaas oo uu wacdaro ka dhigayo haatan kadib 2 sano oo uu joogay.

Dong Ren oo la hadlaya Mundo Deportivo ayuu yidhi:“United ayaa bixisay dalabkii ugu weynaa ee aan helnay marka loo eego Bayern, Dortmund, Leicester ama kooxaha kale sida Wolves”.

“Ed Woodward ayaa ahaa qofka sida aadka u doonaya waxa aan la qaadanay wadahadalo sidii aan Bellingham ugu qancin lahayn in uu ku biiro Man United laakiin Jude ayaa iska diiday lacagtii Man United”.

“Waxay bixiyeen mushaar aad uga badan marka la barbardhigo kuwa kale. Malaha Laba-jibaar”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here