Kooxda Man United ayaa si lama filaan ah loogu garaacay saxiixa xiddiga Cody Gakpo kaas oo haatan ku biiray kooxda Liverpool.

Maamulka Man United ayaa saxiixyadeeda suuqa January ka dhigaysa kaliya kuwo amaah ah maadama ayna diyaar u ahayn in ay lacag galiso suuqa bishan maadama ay iska iibinayaan kooxda.

Gakpo ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Man United tan ilaa xagaagii hore laakiin xiddiga ayaa ugu dambayn ku biiray kooxda Liverpool.

Maamulka Man United ayaa wadahadalo kula jira milkiilayaal cusub si ay isaga iibiyaan kooxda kadib sanado badan oo ay hogaaminayeen kooxda.

Sidaas darteed waxa ay go’aansatay in ayna lacag 37 milyan ah ka bixin saxiixa Gakpo waxana uu ku biiray kooxda Liverpool.

Man United ayaa kaliya diirada saari doonta xiddigo ay qaab amaah ah kula wareegaan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here