Wararka ka imanaya Dalka Holland ayaa sheegaya in ay xiddigaha xulka qaranka Holland ee Georginio Wijnaldum & Memphis Depay ku dhawyihiin in ay ku biiraan kooxda Barcelona.

Wargayska Algemeen Dagblad Ayaa sheegaya in ay labada xiddig ku dhawyihiin in ay ku biiraan kooxda Barcelona laakiin Kooxda ayaa marka hore ku qasban in ay xiddigo iska iibiso ka hor inta ayna dhamaystirin labada saxiix.

Barcelona ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay labada xiddig laakiin sugaysa in ay iska iibiso xiddigo kooxda ah ka hor inta ayna dhamaystirin saxiixooda.

Xiddigaha Georginio Wijnaldum & Memphis Depay ayaa galay sanadkoodii ugu dambeeyay ee heshiisyada Liverpool iyo Lyon waxana labadoodaba lagu heli karaa inta u dhexaysa 10 ilaa 30 milyan oo euro.

Koeman ayaa taageere u ah labada xiddig kuwaas oo uu ku tababaray xulka qaranka Holland sanadihii ugu dambeeyay waxana uu doonayaa in uu keeno Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here