Xilli ciyaareed kale oo premier League ah ayaa si Rasmi ah loo soo afjaray iyada oo kooxaha kala duwan jeebka ku shubteen lacag ka badan 2.5 bilyan euro oo loo qaybiyay 20-ka kooxood.
Kooxda Man City ee ku guulaystay horyaalka ayaa jeebka ku shubatay lacagta ugu badan iyaga oo helay lacag dhan 170 milyan oo euro laakiin Southhampton oo ka hadhay horyaalka ayaa qaadatay lacag dhan 100 milyan oo euro.
Kooxda Arsenal oo soo qaadatay xilli ciyaareedkeedii ugu fiicnaa muddo 20 sano ah kuna dhamaystay kaalinta 2-aad ayaa heshay lacag dhan 167.8 milyan euro.
Waxa ku xigta kooxda Man United oo heshay 165.5 milyan euro halka ay Newcastle oo muddo dheer kadib u soo baxday champions league ay heshay 163.5 milyan.
Liverpool oo xilli ciyaareed xun soo qaadatay ayaa jeebka ku shuabatay lacag dhan 161.2 milyan euro halka ay chelsea oo kaalinta 12-aad ku dhamaystay ay heshay 145.8 milyan oo euro.
Halkan Hoose kaga bogo Lacagta ay heleen 20-ka kooxood ee premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Related