Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa kooxdiisa keenay daafacyado ku kacaya lacag dhan 450 milyan oo euro tan ilaa markii uu noqday tababaraha kooxda.

Man City ayaa lacag ka badan 100 milyan oo euro ka bixisay laab daafac inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

City ayaa kooxda keentay daafaca Nathan Ake kaas oo kaga soo biiray Bournemouth iyaga oo ka soo bixiyay lacag dhan 45.3 milyan euro.

Sidoo kale City ayaa daafaca reer Portugal ee Ruben Dias ka bixinaysa lacag dhan 68 milyan oo euro iyo waliba lacago 3.6 milyan oo Guno ah.

Tan ilaa markii uu yimid kooxda Man City Pep Guardiola ayaa kooxdiisa keenay daafacyo uu kula soo wareegay lacag aad u badan si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.

Hadaba halkan hoose kaga bogo Liiska xiddigaha daafaca ka ciyaara iyo lacagta uu Guardiola ka soo bixiyay:

Aymeric Laporte: 65 milayn

Benjamin Mendy: 57.5 milyan

Kyle Walker: 52.7 milyan

Danilo: 30 milyan

Joao Cancelo: 65 milyan

Laacib.net


Source: Laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here