Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw in ay ku dhawaaqdo saxiixa weeraryahanka PSV Eindhoven Cody Gakpo.

Liverpool ayaa hal saac ku dhamaystirtay saxiixa xiddiga Gakpo kaas oo ay kala heshiisay kooxdiisa PSV oo haatanba xaqiijisay in uu xiddigu u duulayo England si uu u dhamaystiro heshiiska.

Liverpool ayaa weeraryahanka Cody Gakpo ka dhigaysa saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January kuna xoojinayso weerarkeeda kadib dhaawaca Diaz iyo Jota.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Man United laakiin waxa uu haatan ku dhawyahay kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool.

Dareenka taageerayaasha Liverpool ayaa haatan u jeedsan doona Lambarka uu saxiixooda cusub u xidhan karo kooxda marka lagu dhawaaqo saxiixiisa.

Gakpo ayaa 1 bisha January noqon doona xiddig Liverpool ah marka uu furmo suuqa January waxana uu isku diyaarinayaa safarkiisa cusu b.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Lambarada haatan ka banaan Liverpool ee uu Gakpo xidhan karo marka uu u ciyaarayo liverpool.

  • 10
  • 16
  • 18
  • 24
  • 25
  • 30
  • 31
  • 33
  • 34
  • 35
  • 36
  • 37
  • 38
  • 39
  • 40



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here