Xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek ayaa lagu soo waramayaa in uu dalban doono Lambarka No.34 marka uu ku soo biiro kooxda si uu ugu sharfo xiddigii ay isku kooxda ahayeen ee Abdelhak Nouri sida ay sheegayaan wararku.

Van de Beek ayaa qarka u saaran in uu 40 milyan ugu biiro kooxda Man United kadib markii uu Isniintii ku baasay tijaabada caafimaadka.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa si toos ah ula hadlay tababaraha kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer todobaadkii hore waxana uu haatan ogolaaday in uu heshiis wakhti dheer ah u saxiixo Man United.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Van de Beek dalban doono lambarka No.34 si uu ugu sharfo xiddiga Abdelhak Nouri.

Abdelhak Nouri ayaa Van de Beek kaga garab ciyaaray kooxda Ajax ka hor inta uuna xanuun maskaxda ah ku dhicin kadib markii uu garoonka ku dhex dhaay muddo 3 sano ku dhawaad ahna koomo ku jiray.

Xiddiga 23 jirka ah ee Abdelhak Nouri ayaa kooxda Ajax u xidhan  jiray Lambarka No.34 ka hor inta uuna ciyaaraha ka fadhiisan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here