Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez ayaa joojiyay gabi ahaan qorshihii uu ugu biiri lahaa kooxda Barcelona mustaqbalka dhaw.

Tan ilaa bilowgii sanadkan xiddiga Lautaro Martinez ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona xilli ay xitaa wadahadalo la qaateen wakiilka xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa haatan dadaalkeeda kor u qaadaysa si ay u hesho saxiixa xiddiga marka ay iska iibiyaan Lionel Messi oo doonaya in uu isaga tago kooxda.

Laakiin wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in xiddiga 23 jirka ah ee Lautaro Martinez badalay go’aankiisii ahaa in uu ku biiro kooxda Barcelona sabab la xidhiidha in uu markii hore doonayay in uu ka garab ciyaaro Lionel Messi.

Laakiin Lautaro Martinez ayaan doonayn in uu ku biiro Barcelona oo bilaa Lionel Messi ah sidaas darteed waxa uu heshiis cusub u saxiixi doonaa kooxdiisa Inter Milan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here