Weerarahanka Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa ka hadlay koobkiisii ugu horeeyay ee Barcelona uu la qaaday ka dib markii uu xalay kooxdaas ku hogaamiyay ku guuleysiga Supercopa de España.
Sedex gool iyo hal ayay Real ku garaaceen xili Robert uu mid dhaliyay halka mid kalana uu sameeyay , waxaana lagu ciyaarayay dalka Sacuudi Carabiya .
Labada laacib shabaqa waa taabteen labana caawiye ayay ka ahaayeen iyadoo koobkaan uu ahaa kii ugu horeeyay ee Xavi ka tababare ahaan uu la qaado Barcelona
Arinta la isla meel dhigay ayaa ah is fahankii iyo xariirkii Lewandowski iyo Gavi ka dhaxeeyay uu furo u ahaa guusha Barca ee koobkaas
Lewandowski ayaa ka dib ciyaarta ka yiri wargeska Sport” waxaan Gavi u sheegay haddii aynu is fahanno waliba isu soo dhawaanno in halis badan ku sameyn karno sedex xagalka Real oo dhib weyn aynu gaarsiisan karno waana midda dhacday”.
Lewandowski oo wax laga weydiiyay koobkiisii ugu horeeyay ee uu Barca la qaaday waxa uu yiri” wax la aamini karo ma aha , arinta weyn ee haatan aan sugayo wa horyaakka , dagaalka waan sii wadeynaa horay ayaan u soconeynaa”.