Halyeeyga reer Argentine ahna xiddigii hore ee Real Madrid ee Jorge Valdano ayaa fikirkiisa ka dhiibtay xaalada Xiddiga Lionel Messi iyo Barcelona.
Jorge Valdano oo 3 sano ku qaatay Real Madrid ayaa rumaysan in uu Messi haatanba ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Barcelona mar walba oo ay Barcelona horay u xaqiiqsato waa mid ay u diyaar garoobi karto bixitaankiisa.
“Hadii uu tago koox kale ama ku laabto horyaalka Dalkiisa, laakiin haatanba wuu ka tagay Barcelona wax shaki ah ma qabo”ayuu u sheegay El Transistor.
“Marka ay Barcelona si deg-deg au aqbasho in ay wayday xiddigooda ugu fiican waa mar walba oo ay u diyaar garoobi karaan dib u dhisida kooxda”.