Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa isha ku haya rikoodh khaas ah koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar.

Lionel Messi ayaa ku guuleystay inuu xulkiisa gaarsiiyo semi-finalka Koobka Adduunka waxana ay kulan ka dhici doona garoonla Lusail ku wajihi doonaan xulka Croatia.

Messi ayaa isha ku haya in uu ku guulaysto abaalmarin saddexley ah oo aanu xiddig kale ku guulaysan muddo 4 sano ah gaar ahaan sanadkii 1982 markaas oo uu ku guulaystay halyeeyga reer Italy ee Paolo Rossi.

Saddexleyda abaalmarinta ah ayaa ah in uu xiddig kaliya ku guulaysto koobka adduunka, xiddiga ugu goolasha badan tartanka koobka adduunka iyo xiddiga ugu fiican tartanka sanadkan.

Waxa jira xiddig kaliya oo taariikhda koobka adduunka ku guulaystay abaalmarinahaas waana Halyeeyga reer Italy ee Paolo Rossi oo sidaas sameeyay koobkii adduunka ee sanadkii 1982.

Lionel Messi ayaa gool dhalinta koobka adduunka kula tartamaya xiddiga xulka France ee Kylian Mbappe isaga oo dhaliyay 4 goolk isla makraas hal gool ka dambeeya xiddiga Mbappe oo dhaliyay 5 gool.

Hadii uu Messi sii wado ciyaarista tartanka ila final-ka waxa uu fursad u haytaa in uu sidoo kale ku guulaysto koobka iyo waliba xiddiga ugu fiican tartanka.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here