Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa diiday abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa kulankii Croatia ee semi-final-ka koobka adduunka.

Lionel Messi ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo gool dhaliyay mid kalena caawiye ka noqday kulanka laakiin waxa uu abaalmarinta siiyay xiddig ay isku xul yihiin.

Messi ayaa abaalmarinta xiddiga ugu fiican kulanka u hibeeyay xiddiga ay isku xulka yihiin ee Julian Alvarez kadib markii uu xiddigu dhaliyay 2 gool.

Xiddiga Man City ee Julian Alvarez ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee dhaliya 2 gool Semi-final-ka koobka adduunka tan ilaa 1958 isaga oo bar-bareeyay rikoodhka oo uu dhigay Pele.

Kabtanka Argentina ayaa la weydiiyay hadii uu cid kale siin lahaa abaalmarinta xiddiga ugu fican kulanka ayaa ku jawaabay”Cid walba si fiican ayay u ciyaartay kulanka”.

“Laakiin hadii aan xiddig kale siin lahaa abaalmarinta waxa aan siinayaa Julian sababta oo ah waxa uu soo bandhigay ciyaar aan caadi ahayn”.

Julian Alvarez ayaa dhaliyay 4 gool ilaa haatan koobka adduunka waxana uu ku jiraa tartanka gool dhalinta koobka adduunka sanadkan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here