Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa kaga dhabeeyay hanjabaadii iyo balan qaadkii uu sameeyay ee ahaa in uuna soo xaadiri doonin tababarka kooxda Barcelona.

Kabtanka Barcelona ayaa maanta Iman waayay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub oo ay kooxdu Maanta si Rasmi ah u bilaabatay.

Xiddigaha Barcelona ayaa maanta ku soo laabtay tababarka iyada oo ugu horayn laga baadhi doono xanuunka Korona ka hor inta ayna Maalinta bari ah si Rasmi ah u bilaaban tababarka.

Xiddiga Lionel Messi ayaa todobaadkii hore maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sidaas darteed Lionel Messi ayaa haatan aaminsan in uu yahay xiddig xor ka ah Barcelona kuna qasbanayn in uu soo xaadiro tababarka kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here