Lionel Messi Oo Magacaabay Afarta Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guuleysiga Koobka Horyaalada Yurub – Yaa Ku Jira Liiskaas?

Advertisements

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa magacaabay afarta kooxood ee uu ku fakarayo iney kooxdiisa kula dagaalami karaan ku guuleysiga koobka horyaalada yurub.

Kooxda ka dhisan Catalonia ayaa kulanka lugta hore wareega 16-ka koobka horyaalada yurub la ciyaari doonta Napoli isbuuca soo socda, waxeyna isha ku hayaan iney markii ugu horreysay ku guuleystaan tartanka tan iyo 2015.

Labadii fasal ee lasoo dhaafay Barcelona jahawreer ayey kala kulantay wareega bug-baxda koobka yurub, waxaana si naxdin leh u reebay Liverpool iyo Roma.

“Dhamaan kooxaha waa kuwa adag oo xaalad cakiran lagala kulmi karo” ayuu Messi ku sheegay wareysi uu siiyay Mundo Deportivo.

Advertisements

“Paris waxey la ciyaartay Dortmund weyna lumisay, Sidoo kale Liverpool waxey guuldaro kala kulantay Atletico Madrid, balse marka wax walba laga hadlo Liverpool, Juventus, PSG iyo Real Madrid ay yahiin kuwa ugu xoogan maanta”

Inkastoo ay kulankii lugta hore guuldarooyin la kulmeen Liverpool iyo PSG iyagoo aan joogin guryahooda, hadana wuxuu ka dhawaajiyay iney ka mid yahiin kooxaha kula tartami kara koobka.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII