Lionel Messi Oo Magacaabay Lixda Xiddig Ee Uu Wiilkiisa Ugu Weyn Thiago Uu Ka Hadlo Inta Badan Marka Ay Guriga Wada Joogaan

Advertisements

Lionel Messi ayaa ku soo laabtay gooldhalinta kulankii ay Barcelona shalay xasuuqday kooxda Eibar ee horyaalka La Liga.

Isagoo aan wax gool ah dhalinin afartii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka La Liga, xiddiga reer Argentina ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 1000 gool ka qeyb qaata isagoo dhaliyay afar gool kulankii ay Barcelona 5-0 kaga badisay kooxda Eibar.

Waxay taasi keentay in kabtanka Barcelona uu isku shamiinteeyay hogaanka gooldhalinta La Liga isagoo ku hogaaminaya 18 gool, wuxuuna haatan dhaliyay 54 seddexleey waayihiisa ciyaareed.

Inkastoo ay u muuqato inay sannado badan ku harsan yihiin, waxaa durbaba laga hadlayaa wiilkiisa u weyn Thiago kaasoo haatan ka mid ah da’ yarta kooxda Barcelona.

Wareysi dheer oo uu siiyay jariirada Mundo Deportivo, Messi waxa uu shaaca kaga qaaday in Thiago uu yahay dhaleeceeyihiisa ugu weyn islamarkaana uu inta badan ka hadlo ciyaaryahano kale.

“Waxa uu inta badan ka hadlaa Luis Suarez oo xiriir aad u fiican uu inaga dhaxeeyo, wuxuu ka hadlaa Antoine Griezmann iyo Arturo Vidal tan iyo maalintii ugu horeysay ee uu yimid madaama uu jecel yahay qaabka timihiisa.

Advertisements

“Waxa uu sidoo kale ka hadlaa xiddigaha aan joogin Barcelona sida Kylian Mbappe, Cristiano Ronaldo iyo Neymar.

“Haa, Thiago waa uu garanayaa dhamaantood, su’aalo ayuu iga weydiiyaa wuuna jecel yahay.”

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII