Lionel Messi Oo Mar Kale Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Kadib Fadeexadii Lagu Soo Eedeeyay Maamulka Sare Ee Kooxdiisa.

Advertisements

Kabtanka Barcelona Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday inuu jecel yahay kooxdiisa, sidoo kalana marnaba uusan ku fakarin inuu isaga tago iyadoo ay jiraan warar badan oo sheegaya inuu xiddiga ka huleelayo gobolka Catalonia.

Waxaa dhacay muran dhexmaray xiddiga iyo Eric Abidal kaas oo ku saabsanaa shaqo ka ceyrintii Ernesto Valverde, sidoo kalana waxaa dhawaan soo baxay fadeexad weyn oo ay maamulka kooxda lugaha la galeen, waxaana lagu eedeeyay iney baraha bulshada dad lacag ku siiyeen si ciyaartoyda kooxda loo dhaleeceeyo.

Si kastaba Messi wuxuu dareensan yahay in kooxo badan ay xiiseynayaan, balse marnaba uusan damcin inuu ka huleelo gurigiisa.

“Dhawr jeer ayaan sheegay inaan maanka ku haayo inaan joogo, sida ugu dheer oo ay kooxda dooneyso inaan halkaan joogo, waligeyna wax dhibaato ah kuma arkin” ayuu yiri 32-jirka reer Argentina.

Advertisements

“Waxaan doonayaa inaan ku guuleysto Champions League kale, waxaan doonayaa inaan guulaha La Liga sii wado, waana mid aan ku fakarayo”

“Waan lahaa dooqaas mar walba, waxaa jira kooxo badan oo doonaya iney bixiyaan lacagaha lagu jabin karo heshiiskeyga, balse marnaba iguma dhicin inaan baxo, haddana ma doonayo, waan jeclahay Barcelona, halkaan waa gurigeyga”

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII