Lionel Messi Oo Sharraxay Sababta Uu Uga Xanuunsaday Abaalmarintii Ballon d’Or Uu Sanadkii 2017 Ku Guuleystay Cristiano Ronaldo.

Advertisements

Lionel Messi ayaa qirtay in sanadkii 2017 uu aad uga xanuunsaday abaalmarintii Ballon d’Or uu ku guuleystay Cristiano Ronaldo, maadaama natiijada abaalmarinada labada xiddig ay ka dhigtay barbaro (min shan) ah.

Xiddiga Barcelona ayaa xalay markii lixaad loo doortay abaalmarinta Ballon d’Or kadib xaflad lagu qabtay Paris, wuxuuna ka qaaday Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo oo kaalmaha 2-aad iyo 3-aad soo galay kadib codeyntii laga qaaday suxufiyiin ka kala socota daafaha dunida.

Cristiano Ronaldo isaga ayaa ahaa xiddigii ugu horreeyay ee ku guuleysta abaalmarinta Ballon d’Or marka laga hadlo tartanka labada xiddig, balse sanadahii 2016 iyo 2017 ayuu si xiriir ah ugu guuleystay taasna waxey keentay inuu barbaro la noqdo dhigiisa.

Sanadkii 2015 ayaa ugu dambeysay Messi inuu helo abaalmarintaan, balse xalay wuxuu muujiyay inuu ka sarreeyo qof walba maadaama uu helay middiisii lixaad.

“Waxaan ku faraxsanaa inaan heystay shan, sidoo kalana ahaa qofka kaliya ee sidaas sameeyay” ayuu yiri Messi.

Advertisements

“Marka uu i barbareeyay Ronaldo, waa inaan qiro inyar ayaan xanuunsaday, ma aheyn darajadaas mid kaligiis ku dheeraada, balse waxey aheyd wax macquul ah, xitaa waa wax fiican marka aad kaligaa shan heysato”

32-jirkaan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’or wuxuu muujiyay sida xirfadlaha uu xitaa da’diisa ugu muujin karo bandhigga ugu fiican.

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII