Tababaraha Kooxda PSG ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in uu si aad ah Lionel Messi ugu soo dhawayn doono kooxda PSG xilli ay jiraan warar sheegaya in uu xiddiga reer Argentine isaga tagi doono kooxda xagaagan.

Messi ayaa la rumaysanyahay in uu aad uga fikirayo mustaqbalkiisa kooxda Barcelona kadib xilli ciyaareed niyad jab leh oo ay kooxdu soo qaadatay.

Kooxo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Inter, PSG iyo Man City ayaa xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga 33 jirka ah todobaadyadii ugu dambeeyay.

Markii final-kii champions League kadib la waydiiyay Lionel Messi ayuu Tuchel sheegay in uu jecelyahay in uu xiddiga reer South America tababare u noqdo.

Si kasta ha ahaatee tababaraha PSG ayaa mar dambe sheegay in uu aaminsanyahay in uu Messi xirfadiisa ciyaareed ku dhamaysan doono Barcelona.

“Aad ayaan ugu soo dhawayn doonaa kooxda! waa tee kooxda iska diidaysa Messi? waxa aan doonaynaa in aanan ka hadlin arimaha suuqa laakiin waxa aan xoojin doonaa kooxda xagaagan, si kasta ha ahaatee waxa aan filayaa in uu Messi xirfadiisa ku dhamaysto Barcelona”ayuu Tuchel u sheegay BT Sport.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here