Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Thiago Alcantara ayaa sugaya in uu ciyaaro kulankiisa ugu dambeeya ee Bayern Munich Final-ka champions League caawa in uu banaanka u keeno go’aanka mustaqbalkiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Spian ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Liverpool bilihii ugu dambeeyay iyada oo Reds doonayso adeega xiddiga.

Kooxda Liverpool ayaan wali kooxda Bayern Munich kala heshiin qiimaha lagu iibinayo xiddiga 29jirka ah.

Wargayska Daily Express ayaa sheegaya in  xiddiga Thiago Alcantara maamulka kooxdiisa u sheegi doono in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka chamions league.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu maamulka kooxdiisa u sheegi doono in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool xagaagan.

Go’aanka Thiago Alcantara  ayaa imanaya kadib markii ay kooxda Arsenal dhigeeda Bayern Munich wax ka waydiisay helitaanka xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here