Agaasimaha maamulka kooxda Borussia Dortmund Carsten Cramer ayaa sheegay in Liverpool ay tahay kooxda uu xiddiga Jude Bellingham doonayo ama doortay in uu ku biiro.

19-sano jirkaan ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid ka mid ah ciyaartoyda loogu doonista badan yahay khadka dhexe ee Yurub marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January, iyadoo kooxo badan oo waaweyn la filayo inay ku dagaalamaan saxiixiisa.

Bellingham ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican khadka dhexe tan ilaa markii uu ku biiray Dortmund sanadkii 2020 waxana uu dhaliyay 19 gool halka uu caawiye ka noqday 22 kale 112 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa la sheegayaa in uu doonayo saxiixa xiddiga si uu uu xoojiyo khadka dhexe kooxdiisa.

Si kasta ha ahatee Reds ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxaha ugu waaweyn ee yurub oo kala Manchester City, Manchester United, Chelsea iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Si kastaba ha ahaatee, madaxa Dortmund Cramer ayaa soo jeediyay in xiriirka adag ee ka dhexeeya Klopp iyo Dortmund ay Liverpool ka dhigaysa kuwa ugu cad-cad ku guulaysiga saxiixa Bellingham.

Isagoo la hadlayay Vietnam News ayuu Cramer yidhi”Waxa aan Naxariis u haynaa Liverpool”.

“Weli xiriir wanaagsan ayaan la leenahay Jurgen sidaas darteed Jude waxa uu doorbiyaa in uu ku biiro Liverpool laakiin angu Ma filayno in aanu hadiyad siino Liverpool”ayuu sii raaciyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here